XOG CULUS: Doorashada Somaliya oo Dhiig badan ku daadan doona

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimahada maamul goboleedyada waxaa ka soconaya doorashada xubnaha aqalka hoose, hase ahaatee waxaa la saadaalinayaa in dhiig badan ku daadan doono doorashadan.

Dhiigga daadan doono ayaa ka duwanaan doono kuwii hore, waxaana is dili doona dadka kuwa isugu dhow, isugu xiga, waxayna isku adeegsan doonaan dhiigyo cab iyo sidoo kale mooryaan.

Waxaa isku dheggan musharraxiin badan oo xildhibaannimo u taagan, waxaana mid walbo uu doonayaa inuu helo kursiga, qarashaad badanna waa la bixinayaa.

Hanjabaadyo badan ayaa Taleefanka la isku mariyey, waxaa khasaarey dad bixiyey in ka badan 100 kun oo doolarka Mareykanka ah, waana sababta keentay in xaaladdu ay cirka isku shareerto.

Haddaba maalinba maalinta ka dambeysa xaaladda waa ay sii xumaaneysaa, iyadoo dadka wax saadaaliya ay sheegeen in doorashadan noqon doonto middii ugu dhiig daadasha badneyd ee dalka soo marta.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close