Home WARARKA MAANTA XOG: Ma’uul ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Boob lagu eedeeyay

XOG: Ma’uul ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Boob lagu eedeeyay

SHARE

Cadaado (Horumar Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Sheekh Axmed (Saruurow) ayaa lagu eedeeyay inuu leexsaday Ergo uusan xaq u laheyn inuu qorto, sida ay sheegeen Siyaasiyiin ku sugan Magaalada Cadaado.

Maxamed Shekh Axmed (Saruurow) oo gacan ka helaayo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu qortay Ergo gaaraysa 25, taasi oo aheyd mid ka dhaxeysa Beesha Cali Wehliye Saruur, isaga oo ku hanjabay Ergada uu qortay kuwa aanan aheyn inaysan galeyn Doorashada.

Maxamed Sheekh oo u adeegaya Koox dano gaar ah ka leh dalka, ayaa la sheegayaa inuu xilkaan la doonaayo qof aanan u dhalan beesha Saruur ee Habargidir kaas oo aanan xaq ulaheyn in Kursiga uu utartam

Maxamad Saruuroow ayaa xilka beesha Cali Weheliye ee Saruur la raba Shaqsi lagu magacaabo Axmed Yuusuf Cabdulle oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan gaar ahaan beesha Jidle.

Axmad Yuusuf ayaa u hanqal taagaya Kursiga Cali Weheliye ee saruur oo uusan udhalan asaga oo dhaqaale iyo awood taageero ka helaya kooxda Dam-Jadiid oo uu ugu horeeyo Madaxweeynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa, Wasiirka Madaxtooyada Mahad Salaad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo qaatay lacag fara badan ayaa hormuud ka ah boobka looga iibinayo kooxda Dam-Jadiid Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Cali Wehliye ee saruur Habargidir, sida ay sheegeen Musharaxiin doonaysay inay u tartamaan Kursigaan, kuwaasi oo loo diiday.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo arintaan faragelin toos ah ku haaya, ayaa Guddiga Doorashada Galmudug u sheegay inaysan qaban karin Ergo aanan aheyn, kuwa uu usoo qoray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Muddooyinkii dambe deeganada Galmudug ee doorashada ay ka dhaceyso waxaa ka socotay Boobka lagu haayo Ergada Doorashada, kuwaasi oo ay boobayeen Siyaasiyiin Damacooda uu yahay qaadashada lacago.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE