Home WARARKA MAANTA RW CCC oo shacabkii Gaalkacyo ka barakacay ugu baaqay inay ku laabtaan...

RW CCC oo shacabkii Gaalkacyo ka barakacay ugu baaqay inay ku laabtaan guryahooda

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaliya ayaa ugu baaqay Bulshadii ka barakacday Magaaladaasi inay dib ugu soo laabtaan.

Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Dowladda Somaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku guuleysteen kala qaadista ciidamadii isku hor fadhiyay Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay xilligaan in la joogo waqtigii laga shaqeyn lahaa Nabadda iyo horumarka Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ugu baaqay Bulshada inay dib ugu soo laabtaan Magaalada.

Wixii dhameystir u baahan waa la dhameystirayaa, waxaa rajeynayaa in tani ay noqoto mid aan mar dambe soo noqon, waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Gaalkacyo inay dib ugu soo noqdaan guryahooda.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa degan, iyadoo shalay si rasmi ah loo kala qaaday ciidamadii ku dhawaad labada bil ku dagaalamaayay Magaaladaasi Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa ku howlan dhameystirka Heshiiska Nabadda Magaalada Gaalkacyo.

Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu kala qaaday ciidamadii isku hor fadhiyay Magaaladaasi Gaalkacyo.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE