Home WARARKA MAANTA Michael Keating: ”10 cisho waa in ay Koonfur Galbeed ku soo dhameeyaan...

Michael Keating: ”10 cisho waa in ay Koonfur Galbeed ku soo dhameeyaan Doorashada Aqalka hoose”

SHARE

Baydhabo (Horumar Online) – Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Michael Keating oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu shalay gaaray Magaalada Baydhabo , ayaa waxa uu ka hadlay howlaha doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda caasimdaha dowlad goboleedyada dalka.

Michael Keating oo ka hadlayay doorashada Xildhibaanada ka imaanaya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegay in ilaa iyo hada la doortay tiro ku dhow 26 kursi , islamarkaana madaxda maamulka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay dar dargeliyaan howlaha doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay fududeynayso howlaha doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka Somaliya.

Muddo 10-cisho ah ayuu sheegay in laga doonaayo Maamulka Koonfur Galbeed inay ku soo gaba gabeeyaan Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee Baydhabo ka socda.

Deeganada Koonfur Galbeed waxaa ka imaanaya Xildhibaanada ugu badan ee ku soo biiraya Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Micheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ciidanka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ay taageerayaan ciidanka Amisom in ay xaqiijiyaan ammaanka goobta ay ka socoto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Ugu dambeyntii Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dardargeliyaan maamul goboleedyada howlaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE