Home WARARKA MAANTA XOG CUSUB: Doorashada Hirshabeelle oo dib u billaabaneyso, Waa goormaa?

XOG CUSUB: Doorashada Hirshabeelle oo dib u billaabaneyso, Waa goormaa?

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Iyadoo horay Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka ay u shaaciyeen in la hakiyay Doorashooyinkii Xubnaha Aqalka hoose ee Maamulka Hirshabelle, taasi oo ka dambeysay shaqaaqo ka dhacday Xarunta Doorashada Jowhar, ayaa Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle, waxa ay shaaciyeen xilliga Doorashada ay dhaceyso.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hirshabelle Zaki Cabdi Xaraare oo la hadlay Idaacada Kulmiye, ayaa wuxuu sheegay Maalinta Arbacada ah ee Todobaadkaan in dib loo bilaabi doono Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Hirshabelle.

Waxa uu sheegay sababta markii hore loo hakiyay inay aheyd shaqaaqo ka dhacday Xarunta Doorashada, balse Guddiga Amniga Xarunta Doorashada iyo Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ay ka wada hadlayaan ammaanka xarunta Doorashada.

Maalinta Arbacada ah ee nagu soo beegan, hadii Alle Idmo waxaan rajeynayaa inaan sii ambaqaadi doono Doorashada.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Maamulkaasi ayaa soo saaraya hanaan cusub oo ay ku suggi doonaan ammaanka Xarunta Doorashada ay ka dhaceyso ee Magaalada Jowhar.

Habeenkii Jimcaha todobaadkii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya uu buuq ka sameeyay Xarunta Doorashada, kadib markii Wareegii Koowaad ee Doorashada looga codbatay.

Doorashada ka socota Somaliya ayaa dadka Kuraasta dowladda ku fadhiya, hadii looga adkaado, waxaa suuragal ah inay geystaan dhibaatooyin la mid ah mida uu geystay Wasiir Nuux.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE