Home WARARKA MAANTA XOG: Doorashada Aqalka hoose ee Jubbaland oo hakad la geliyay & Wararkii...

XOG: Doorashada Aqalka hoose ee Jubbaland oo hakad la geliyay & Wararkii ugu dambeeyay

SHARE

Kismaayo (Horumar Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in hakad la geliyay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socotay Magaalada Kismaayo.

Sababta Doorashada hakadka loo geliyay ayaa waxa ay tahay inay soo baxday arimo ku aadan musuq la sheegay inuu geystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboled ee Maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya Nabadoonka Beesha Gaaljecel Ergadii uu qoray ergo aanan aheyn in la geeyay Xarunta Doorashada ay ka dhaceysay, iyadoo ciidamada ammaanka oo helay macluumaadka arintaan ku saabsan is hor istaag ay ku sameeyeen.

Nabadoonka Beesha Gaaljecel Imaam Macalin, ayaa la sheegay inuu diiday qaar ka tirsan Ergada oo aanan ku jirin liiskii uu gudbiyay, balse Ergadaasi waxaa la sheegay inuu ku soo daray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Jubbaland oo wata musharax gaar ah.

Musuq maasuqan soo baxay ayaa sabab u noqday in la hakiyo Doorashadii ka socotay Magaalada Kismaayo, waxaana hada goobta gaaray Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish.

Musuq maasuqii ugu xooganaa ayaa ka taagan Doorashada ka socota Somaliya, iyadoo Ergooyinka kala duwan ee Doorashada la galaayo qaarkood magacyadooda la bedelaayo, qaarna si toos ah loogu handadaayo.

Hanti Dhowrka Qaranka Somaliya ayaa si cad u sheegay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya inay sameeyeen ku takri fal awood qaran ah, islamarkaana Doorashada socota ay u adeegsadeen dhaqaale xoogan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE