Home Dhacdooyinka DAAWO VIDEO: Ceebtii ugu weyneyd oo Cadaado ka dhacday Jimcihii maanta &...

DAAWO VIDEO: Ceebtii ugu weyneyd oo Cadaado ka dhacday Jimcihii maanta & Boobkii ugu xumaa abid!

SHARE

Cadaado (Horumar Online) – Waxaa oo Jimco aheyd magaalada Cadaado gaar ahaan xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada Kursiga Beesha Heesow Saleemaan ee ku leedahay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigan oo ahaa mid saameyn badan lahaa aadna loogu loolamayay ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib doorasho aan loo dhameyn oo ka dhacday Cadaado.

HALKAN KA DAAWO  CEEBTII MAANTA DHACDAY CADAADO

Kursigan oo ugu cad cadaa loona saadaalinayay in uu ku guuleesanayo Musharax Xildhibaan Sheekh Cbadiqaadir Cali Cumar ayaa gabi ahaan qaadacay in uu ka qeyb galo tartanka kursigan, kadib markii la qoray ergo aan aheed tii saxda aheed ee soo gudbiyeen waxgaradka beesha Kursiga leh sida uu sheegay Sheekh C/Qaadir.

Doorashada ka dhacday magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ku tartamay Musharax Saabir Nuur Shuuriye oo katirsan Xisbiga Daljir ,balse taageero dadban ka helayay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Musharax kale oo qaab malxiis ah loo keenay oo lagu magacaabo Cali Sheekh Doon Cabdi.

dhibanayaasha-beesha-reer-xaaji-saleebaan

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Galmudug ayaa shaaciyay in kursiga Beesha Heesow Saleemaan uu ku guuleestay Saabir Nuur Shuuriye oo helay codad gaaraya 45-cod, waxaana ergada codeesay la sheegay in ay ahaayeen kuwa uu qortay Musharax Saabir.

Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar ayaa sheegay in uusan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashada boobka aheed ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado, waxa uuna ku eedeeyay maamulka Galmudug , Madaxtooyada Soomaaliya iyo Guddiga doorashooyinka in ay faragaliyeen kursiga Beeshiisa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gabi ahaan kasoo horjeeday in uu kursigan kusoo baxo Xildhibaan Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar oo saaxiib dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif hadana ah Musharax u taagan doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE