Home WARARKA CAALAMKA UPDATE: Ciddii soo sheegta macluumaadka Ninkii weerarka ka geystay Berlin oo $100,000...

UPDATE: Ciddii soo sheegta macluumaadka Ninkii weerarka ka geystay Berlin oo $100,000 lagu abaal-marinayo

SHARE

Berlin (Horumar Online) – Ninkan oo u dhashay Wadanka Tunisia, ayaa waxaa lala xiriirinayaa weerarkii gaariga xamuulka loo adeegsaday, ee Isniintii lagu weeraray suuqa ku yaala Galbeedka Magaalada Berlina ee Xarunta Jarmalka.

Aqoonsiga Anis Amri, ayaa laga helay gaarigii weerarka loo adeegsaday, iyadoo ay laamaha amnigu kordhiyeen dadaalada, ay ku baadigoobayan.

Anis Amri oo 23 jir ah, ayaa sawiradiisa waxaa lagu baahiyay Wadamada Yurub oo idil, iyadoo ciddii war iyo wacaal ka keentaa goobta uu ku sugan yahay ninkaasi loo sameeyay ballanqaad.

Sida ay qoreyso Warbaahinta Jarmalka, ayaa ciddii keenta macluumaad lagu soo xiro karo ninkaasi loo ballanqaaday adduun lacageed oo dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ($100,000).

Hay’adaha ammaanka ee Yurub, ayaa Xukuumadda Berlin kala shaqaynaya, sidii cadaaladda lagu horkeeni lahaa ninka loo haysto weerarkaasi. Weerarkan ayaa inta la’ogyahay waxaa ku dhimatay 12 ruux, halka 49 kalana ay ku dhaawacantay.

Dowladda Jarmalka, ayaa horey ninkan ugu diiday magangelyo, sababo ku aadan isagoo lala xiriirinaayay Ururka Daacish, balse Jarmalka ayaa u ogolaaday deganaansho ku meel gaar ah.

Warbaahinta Tunisia, ayaa baahisay in maxkamad ku taala dalkaasi ay horey u amartay in la soo xiro ninkaasi, xilli uu dibadda kaga maqan yahay Tunisia.

Anis Amri, ayaa noqonayaa shakhsiga loogu doon doonista badan yahay Qaaradda Yurub, ka dib weeraradii 13-kii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay Caasimadda Faransiiska.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

SHARE