Home Dhacdooyinka DAAWO SAWIRRO: Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Berlin oo magaalada Milano lagu toogtay

DAAWO SAWIRRO: Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Berlin oo magaalada Milano lagu toogtay

SHARE

Milano (Horumar Online) – Warar goor-dhow soo baxay, ayaa sheegaya, in ninkii Tunuusiyaanka ahaa ee looga shakisan-yahay inuu ka dambeeyay weerarkii suuqa Kirismaska ee magaalada Berlin, in barqadii maanta lagu toogtay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Toogashada Anis Amri oo ahaa ninka sida weyn ay dowladda Jarmalka u baadi-goobeysay ayaa xaqiijiyay, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Marco Minniti oo shir jaraa’id deg deg ah u qabtay warbaahinta.

”Waxaa shaki ku jirin in la dilay Anis Amri oo ahaa ninka weerarkii argagixisada ahaa ka geystay magaalada Berlin” ayuu yiri Marco Minniti.

Askarigii Talyaaniga ahaa ee uu dhaawacay Ninkii la toogtay

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa sheegtay qaabka loo dilay Anis Amri, in Booliska magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ay waydiiyeen sharcigiisa, kaddib-na shandad uu watay kala soo baxay hub uu ku dhaawacy hal Askari, sidaasina uu ku toogtay askarigii kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere ayaa maanta Shir jaraa’id ku sheegay in ay jirto suurta-galnimo aad u sareysa oo ah in uu Anis Amri uu ka dambeeyay weerarkii Suuqa Kirismaska ee Berlin, kaasi oo ay ku dhinteen 12 qof, 49-kalena ay ku dhaawacmeen.

Mar sii-horeysay oo warbaahinta ay wareysatay Qoyska Anis Amir oo jooga dalka Tunuusiya, ayaa sheegay in Wiilkooda uu is-dhiibo si sharciga loo horkeeno.

Geesta kale, Booliska dalka Jarmalka ayaa maanta oo Jimco ah xiray labo nin oo Walaalo ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen, in ay weerar ka geystaan suuq ku yaalla magaalada Oberhausen ee dalka Jarmalka.

Raggan oo walaala ah ayaa Asal ahaan ka soo jeeda dalka Kosova, waxaana xarigooda uu yimid, kagadaal markii ay boolisku heleen xog ku aadan weerarka ah qorsheynayeen labadaasi rag.

Ugu dambeyn, Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa si weyn u hadal-haya toogashada ninkii Tunuusiyaanka ahaa ee looga shakisan-yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Berlin, kaasi oo Jimcihii maanta ay magaalada Milano ku toogteen booliska dalka Talyaaniga, kaddib markii uu isku dayay inuu baxsado.

Xigasho – Bild.de

Waxaa soo turjumay: Weriye Abdifatah Adde

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronline@gmail.com

SHARE