Dowladda Jarmalka oo si aad ah u baareysa inuu Anis Amri uu xiriir la lahaa Shabakado Xag-jir ah

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Baarayaasha dalka Jarmalka ayaa billaabay baaritaan ay ku sameynayaan in Anis Camri uu lahaa shabakad taageersan falkii uu sameeyay.

Ninkaasi oo lagu toogtay dalka Taliyaaniga ayaa weerar gaari uu u adeegsaday ku qaaday suuq ku yaalla Berlin Wuxuu u dhashay dalka Tunisia.

Saraakiisha dalkaasi waxay sidoo kale baarayaal sida Anis Camri uu uga baxsaday in la musaafuriyo.

Waxaa kaloo la eegayaa sababta laamaha amniga ay u joojiyeen baaritaankii ay ku hayeen, maadaama looga shakiyay inuu xiriir la lahaa “islaamiyiin xagjir lagu tilmaamay.

Inakstoo aad loo baadi goobayay, Anis Camri, wuxuu awood u yeeshay inuu Yurub ku dhex safro ka hor intaan lagu toogan Milan, Jimcihii.

Ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxay sheegtay in dowladda ay sare u qaadeyso amniga ka dib weerarkaasi 12 ka qof ay ku dhinteen.

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close