UPDATE: Nin 40 jir Tunuusiyaan ah oo loo qabtay weerarkii Berlin

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Nin 40 jir ah oo u dhashay dalka Tuuniisiya ayaa lagu xiray magaalada Berlin, kaasi oo lala xiriirinayo weerarkii todobaadkii hore ka dhacay suuqa Kirismaska ee magaaladaasi, sida ay sheegeen dacwad oogayaal u dhashay dalka Jarmalka.

Ninkan ayaa la sheegay in lambarka telefoonkiisa laga helay telefoonkii Anis Amri, oo 12 qof ku dilay gaari xamuul toddobaadkii hore magaalada Berlin.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa sheegtay in boolisku uu u dhacay guriga iyo halkii uu ka shaqaynayey ninkan oo ku taalla xaafadda Tempelhof ee Berlin.

Toddobaadkii hore ayaa Booliska dalka Talyaaniga waxay Amri ku dileen magaalada Milano, kaddib markii ninkaas 24 jirka ahaa uu rasaas ku riday askarta oo uu mid ka dhaawacay.

Saraakiil dalka Jarmalka ayaa sheegay, sida ay warbaahinta gudaha baahisay, in laga yaabo in hanaanka bareegga iskii isku maamula ee gaariga uu badbaadiyey dad kale oo weerarka ku dhiman lahaa, waa gaarigii lagu weeraray Suuqii Kirismaska ee Berlin.

Waxay kaloo xuseen in hanaankan uu gaariga bareeg u qabta marka uu jug dareemo, waxaana dhici karta ayaa la leeyahay inuu weerarka soo gaabiyey.

Waxaa soo turjumay – Abdifatah Adde

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close