DHAGEYSO: Maxay tahay farriinta uu Madaxweyne Xasan u diray Xildhibaanada Aqalka Sare?

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalk ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa farriin dardaaran ahayd u jeediyay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iyadoona uu ku bogaadiyay in ay isaga fogaadan is qab-qabsi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khamiistii Xildhibaanada kula hadlaayay Xarunta Aqalka Sare, oo uu xariga ka jaray, ayaa kula dardaarmay in khilaafaadyada laga gudbo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE XASAN

”Waxaan rajeynaynaa inay aad iyo aad nooga yaraan doonto iska horimaadka ama is qab-qabsiga, ee hay’adaha dowladda dhexdooda. Khilaafaadka inaan yareyno, inaan is qab-qabsiga yareyno iyo inaan wada hadal ku xalino Aqalkan iyo Aqalka kalaba, heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale, yiri ”Waxaan ku dardaarmeynaa inay nagu wayn tahay, maskaxdeenana ay ku jirto, arrinta ah marwalba wada ogol in la helo, oo lagu shaqeeyo, lana raadiyo inta la raadin karo.”

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intaa ku daray ”Haddii marka u dambeyso lagu qanco qadyad gaara inaanay ku imaan karin wada ogol iyo in leesla qaato, sida uu qaanuunka qabo ayaa markaasi la aadayaa.”

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close