TOP-XASAASI-DHAGEYSO: Cali Khaliif Galeyr ”Xasan Sheekh ma istaahilo in markale loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya..”!

TOP-XASAASI-DHAGEYSO: Cali Khaliif Galeyr ”Xasan Sheekh ma istaahilo in markale loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya..”!

Buuhoodle (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada reer Khaatumo ay sanadkii 2012-ka ucodeeyeen Xasan Sh hase ahaatee ay haatan ka shaleynayaan.

”waan qiranayaaye danbigeyga, dadkii masuulka ka ahaa isna waa ogyahay tolkiisina waa ogyahay, khaatumaa ugu weyneyd dadkii doortay”, ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA CALI KHALIIF GALEYR

Madaxweynaha Khaatumo ayaa marqaati ka dhigtay madaxda Damu-jadiid ”C/Kariim Xuseen Guuleed baa ka marqaati ah Faarax Cabdi Qaadir baa ka marqaati ah, abaalkayagii anagu kuma mana sheeganeyno” ayuu yiri madaxweyne Cali Khaliif oo sidoo kale ka digay in dib loo doorto madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh uu dalka halis ku yahay hadii uu soo laabto ”Laakiin waxaan ilaah hortiis ka marqaati kacayaa Xasan iska daa inuu soo laabtee inuu madaxweyne danbe isku taago ma’ahan” ayuu yiri.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Muqdisho ay halis ku jirto hadii dib loo doorto Xasan Sheekh ”Laakiin Hadii Xasan la doorto, waxa Xamar ka dhici doona, anagama namaba soo gaaree ee ilaahow ummadda Koonfurta ku nool iyo Xamar ka badbaadi”.

Xafiiska Horumar Online, Garowe
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.