DHAGEYSO: Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Caawa Toogasho ku dilay Qof Shacab ah

DHAGEYSO: Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Caawa Toogasho ku dilay Qof Shacab ah

Muqdisho (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya, in ciidamo ilaalo u ah mudane ka tirsan xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ay toogasho ku dilay Qof shacab ah oo isgoyska Dabka ku sugnaa.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA TALIYE MAXAMED DAAHIR

Gaashaanle Maxamed Daahiar Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Walliyoow Cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dilka Ruuxa shacabka ahaa uu geystay Askari ka mid ah Ilaalada Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji.

Taliye Maxamed Daahir ayaa waxuu xusay in ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii ka dambeeyay falkaasi Dilka ahaa ka dhacay Isgooyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxuu tilmaamay in Askariga ay qabteen la geeyay Xarunta Dambi Baarista ee CID, waxuuna qeexay hubkiisa sidoo kale ay la wareegeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in baaritaano la xiriira Dilkaasi uu haatan ka socdo Xarunta CID.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ku aadan Dilka mid ka mid ah Ilaaladiisa uu u geystay qof Shacab ahaa oo ku sugnaa Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.