header

DHAGEYSO: AMISOM oo si bareer ah u Dilay labo wiil oo Walaalo ah & Xasuuq badanna ka geystay Shabeellaha Hoose

Sh/Hoose (Horumar Online) – Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Jimcihii si bareer ah Gobolka Shabellaha Hoose ugu dilay laba wiil oo dhalinyaro ahaa.

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Amisom oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Degmada Baraawe, ayaa waxaa la sheegay in ay ka leexdeen wadadii ay ku socdeen, iyagoona ku dilay labada wiil.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SHEEKH CIISE MAXAMED

Wiilashan oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir ahaa iyo Cabdi Xasan Baryare oo 15 jir ahaa, ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka Wareer-male, oo hoos-tagga Degmada Baraawe. Labaada wiil waxaa la dilay, xilli ay geela aroorsheen.

Sheekh Ciise Maxamed Nuur oo ay ehelo ahaayen wiilasha la dilay, ayaa waxaa uu Ciidanka Amisom uu ku eedeeyay in bilaa sabab, ay u dileen wiilashaasi.

Sheekh Ciise Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta, ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Amisom in ay laayeen 70 neefka geela, oo ka mid ahaa 90 neef, oo wiilashu aroorinayeen.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidanka Amisom uu wadada dagaal ku qabsaday, intii ay ku sii jeedeen Degmada Baraawe, taasoo keentay in aargudasho kula dhaqaaqaan labada wiil.

Xilliyada qaarkood Ururka Al Shabaab, ayaa wadada u gala kolonyada Ciidanka Amisom, ee ku wajahan Degmadaasi Baraawe iyo kolka ay dibadda uga soo baxayanba.

Ciidamada Amisom, ayaa waxaa la xusuustaa in bishii October ee sanadkii 2014-ka, sidaan oo kale ay geela badan ku laayeen Deegaanka Wareer-male.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa ku soo noq noqday dilalka, ay Ciidanka Amisom ugu gaysanayan dadka rayidka ah, tiiyoo aysan jirin dowlad illaa iyo hadda kala xisaabtanta waxyeelada ay u gaysanayan shacabka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Tags: 

Nagu soo biir barteena Facebook

Readers Comments (0)

Comments are opened.

TOP NEWS ENGLICH

Who is Hassan Ali Khaire? Somalia’s newly appointed Prime Minister
- Feb 23, 2017
President Farmajo announced on Thursday morning that he has appointed Hassan Ali Khaire as ...
President Farmajo appoints Prime Minister after celebrating inauguration
- Feb 23, 2017
President Farmajo has just announced that he will be appointing Hassan Ali Khaire as ...
Mohamed Abdullahi Farmajo inaugurated as Somalia’s 9th President
- Feb 22, 2017
Mohamed Abdullahi Farmajo, - the underdog in what was Somalia’s most hotly contested political ...
Somali president says no quick fix for nation’s woes
- Feb 22, 2017
Somalia's new President Mohamed Abdullahi Mohamed sought to downplay high expectations of his new ...
Somalia and South Sudan to receive £100 million each in UK aid
- Feb 22, 2017
The UK will give South Sudan and Somalia aid packages of £100 million each ...

.

Horumar Online _____________________________________________ Horumar Online

Wararkii ugu dambeeyay

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo maanta si weyn lagu soo dhaweeyay boqortooyada Sacuudiga
- Feb 23, 2017
Riyad (Horumar Online) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ...
XOG XASAASI AH: Maxaa laga filan karaa ra’isul wasaaraha cusub?
- Feb 23, 2017
Muqdisho (Horumar Online) - Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu saakayto ku dhawaaqay  Mas’uulka ...
Wararkii ugu dambeeyay Qarax maanta lagula eegtay Ciidamada Kenya Jubbada Hoose +(KHASAARE)
- Feb 23, 2017
Dhoobley (Horumar Online) - Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada ...
UPDATE: Puntland oo ka hadashay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya +Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada)
- Feb 23, 2017
Garowe (Horumar Online) - Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka hadleen Ra’iisal Wasaaraha cusuba ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha uu ku xushay Ra’iisal Wasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre
- Feb 23, 2017
Muqdisho (Horumar Online) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka ...
UPDATE: R/Wasaaraha cusub oo sheegay marka uu Baarlamaanka Ansixiyo kadib uu soo dhisayo Xukuumad shacabka ka turjumaysa
- Feb 23, 2017
Muqdisho (Horumar Online) - Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somaliya, Xasan Cali Khayre oo Saxaafadda ...
FARMAAJO: ”Wax badan ayaa ka qaban doonaa xaaladda Gaalkacyo”
- Feb 23, 2017
Muqdisho (Horumar Online) - Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dowladiisa ...
Madaxweyne Farmaajo oo Ra’iisal Wasaaraha cusub u magacaabay Mr. Xasan Cali Khayre
- Feb 23, 2017
Muqdisho (Horumar Online) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa saakay magacaabay ...
Close