DAAWO Faarax C/qaadir: ”Waxaan Ku Dhashay 7 Bilood, Hooyadey Waxay Tiri; Waxaan Rajeynaa inaad Dalka Iyo Dadka Anfacdo…”

DAAWO Faarax C/qaadir: ”Waxaan Ku Dhashay 7 Bilood, Hooyadey Waxay Tiri; Waxaan Rajeynaa inaad Dalka Iyo Dadka Anfacdo…”

Muqdisho (Horumar Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo u tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Khudbad aad u xiiso badneed ka hor jeediyay Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Faarax ayaa khudbadisa aheyd mid soo jiidasho leh ka sheegay arrin ku saabsan noloshiisa oo inta badan Soomaalida la socon waxuuna yiri ”Waxaan ku dhashay 7 bilood meesha aan ku dhashay oo aan laheeyn isbitaal daraadeed dadkii waxeey dhaheen 7 maalin ka badan noolaan maayo”.

Hooyadeey allah ha raxmadee ayaa tiri waxaan rajeeynayaa inuu dadka iyo dalka soomaaliyeed hogaamiyo hooyadeey waxeey igula dardaarantay inaan dadka xushmeeyo xushmadaa oo aay ugu horeeyso inaan qof istaag ku wareeysan anigoo fadhiyo hadaan meel aan fariisiyo waayana aan uga kaco meeshaan fadhiyo.

Waxaan idiin balan qaadayaa adinkoo istaagsan inaanan idinla hadlin codkiina waan u baahanahay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronine@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.