Daawo Sawir qosol badan oo laga sameeyay Musharrax Shariif Xasan oo lagu heysto dhaqaalaha doorashada

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Shabakadda Horumar.com, waxay halkan idin kugu soo gudbineysaa sawir gacmeed qosol badan oo laga sameeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan oo iminka ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, ayaa sawirkaan lagu muujiyay in deymo badan ay ku leeyihiin gancasato.

Haddaba, farshaxanistaha weyn ee Soomaaliyeed, Amin Arts ayaa sawirkan ku muujiyay dhaqaale xumida soo waajahday Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii ay soo ifbaxeen ganacsato badan oo faraqa ku dhagan, sida uu sawirka hoose uu muujinayo.

Nala daawo sawir gacmeedka laga sameeyay Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close