Axmed Xuseen Waa Soomaaligii ugu horreeyey ee Wasiir ka noqda dalka Canada

Filed under: WARARKA MAANTA |

Canada (Horumar Online) – Axmed Xuseen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu maanta golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Axmed Xuseen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Axmed Xuseen, ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii. Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close