Nabadoon Xaad: ”Waa wax laga xumaado in Soomaali badan ay isaga xiran yihiin Xabsiyada Caalamka, DF Somaliyana ay….”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Nabadoon Xaaji Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo la hadlayay Idaacadaha Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Safiirada Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ay dayacaan Muwaadiniinta dalalkaas ku sugan.

Nabadoon Xaad ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in xil la iska saaro dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan Xabsiyada dalka dibaddiisa.

AKHRI WARARKA KALE MAANTA OO XIISO LEH

”Waxaan dowladda Soomaaliyeed ka rabnaa in Safaaradaheeda dibadda dadka ay u wakiilatay ay kala xisaabtanto dayac heysta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa lagu dhibaateeyo” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Muwaadiniin Soomaali ah oo aad u tira badan ayaa ku dayacan Dalka Dibaddiisa, waxaana ay ku jiraan Xabsiyo kala duwan, iyadoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Close