TOP XASAASI: Cabdi-kariin Guuleed oo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka Galmudug xilka uga qaadeen!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

HALKAN KAK DHAGEYSO WAREYSIGA CABDIKARIIM GUULEED

Xubnaha Talaadadii maanta fadhiistay oo gaadhaya illaa 54 mudane, ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug, hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgood.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu yahay fasax muddo 45 cisho, gudoomiyaha baarlamaankana uu joogo magaalada Muqdisho.

AKHRI WARARKA KALE MAANTA OO XIISO LEH

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada maanta shiray ay ku kulmeen meel aan ahayn xarunta baarlamanka, taasina ay sharci darro ka dhigeyso kulankooda.

Cabdikariim Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabada xildhibaanada ay maanta qaadeen ay tahay mid qas looga abuurayo Galmudug, oo ay ka dambeeyaan dhinacyo kale oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Galmudug.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronlinle@gmail.com

Close