AKHRI TAARIIKHDA: Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ku guuleystay Xilka guddoonka Baarlamaanka +SAWIRO

AKHRI TAARIIKHDA: Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ku guuleystay Xilka guddoonka Baarlamaanka +SAWIRO

Muqdisho (Horumar Online) – Waxaa goor-dhow magaalada Muqdisho ku soo gaba-gabowday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo uu ku guuleystay markale Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Jagada Doorashada guddoonka Baarlamaanka, waxaa maanta oo Arbaco ah ku tartamayay ilaa iyo afar Musharrax oo kala ah; Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Idiris Aadan Dhakhtar.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cismaan Cilmi Boqore ayaa goor-dhow ku dhawaaqay natiijada codadka ay kala heleen musharraxiinta.

Haddaba Hoos ka akhri codadka sida ay u kala heleen Musharraxiinta.

1-Prof. Maxamed Cismaan Jawaari (141 cod)

2-Cabdirashiid Max’ed Xidig (97 cod)

3-Cabdifitaax Ibraahim Geeseey (17 cod)

4-Idiris Aadan Dhakhtar (2 cod)

TAARIIKHDA PROF. JAWAARI OO KOOBAN:

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, Shahaadada 2aad ayuu ka heysaa Qaanuunka, wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayuu ahaa(1984-1990).

Jawaari, ayaa waxa uu xubin ka noqdey dhowr guddi oo dastuurka ah sida guddiga diyaariyay dastuur KMG ah 1990-kii, Lataliyaha UNDP ee dastuurka hadda dalka lagu maamulo iyo markii dambe guddoomiyaha guddiga khubaradaha ah ee dib-u-eegista dastuurka ilaa 2012-kii loo doortey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuu ku hadlaa 5 luqad.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.