Ammaanka magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay Maanta

Ammaanka magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay Maanta

Muqdisho (Horumar Online) – Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka caasimada kuwooda muhiimka ah ay xireen ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Gabi ahaanba waxaa la xanibay isu socodka gaadiidka wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka taag-taagan ciidamada Booliska oo sugaya ammaanka.

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka oo horay loo iclaamiyay inay maanta dhaceyso.

Masuuliyiinta ammaanka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay ciidamada inay sugayaan amniga, islamarkaana bulshada looga baahan yahay inay muujiyaan dulqaad ku aadan wadooyinka oo xiran.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ah kuwa lugeynaya, islamarkaana wadooyinka si raxan raxan ah u maraya, iyaga oo muujinaya dhibaatada ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka.

Xarunta Golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka oo maanta la dooran doono.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.