DAAWO SAWIRRO: Sidee maanta Madaxweynaha Galmudug ‘Guuleed’ loogu soo dhaweeyay CADAADO

DAAWO SAWIRRO: Sidee maanta Madaxweynaha Galmudug ‘Guuleed’ loogu soo dhaweeyay CADAADO

Cadaado (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi Galmudug.

Mr Guuleed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado Masuuliyiin iyo shacab fara badan.

Waxaana dadkii soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey , Senetor Abshir Bukhaari, Saraakiil Ciidan iyo shacabka Cadaado.

Intaas kadib Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in si weyn ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan Caasimadda KMG ah ee Cadaado loo adkeeyo.

Masuuliyiinta Galmudug sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sharci darro ku tilmamay go’aan ay ku sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulkaas in Codka Kalsoonida ay kala laabteen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.