DHAGEYSO: 5 qof oo ku dhimatay dagaal fiidkii caawa ka dhacay Caabudwaaq & Wararkii ugu….

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Galgaduud (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in fiidkii caawa uu magaalada ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Dagaalkan oo lagu soo warramayo inay shan qof ku dhinteen tira kalena ku dhaawacmeen, ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo magaalada wada dega oo dhowr mar magaalada ku dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalka uu dhex marayo.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close