DHAGEYSO: FAROOLE ”Waa in Xasan Sheekh lala shaqeeya haddii uu soo laabto” (Maxaa cusub oo is-badalay)?

DHAGEYSO: FAROOLE ”Waa in Xasan Sheekh lala shaqeeya haddii uu soo laabto” (Maxaa cusub oo is-badalay)?

Muqdisho (Horumar Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka duulay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Isagoo saxaafadda la hadlay intii aanu ka dhoofin magaalada Garowe ayuu sheegay inuu weli yahay musharax u taagan xilka madaxweenaha, wuxuuna sheeg in loo baahan yahay ninkii xilkaasi ku soo baxa in lala shaqeeyo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA FAROOLE

”Haddii Xasan Sheekh laga helo waa inuu xilka banneeyaa, sidii aan aniguba sameeyay, haddii uu soo laabtana waa in lala shaqeeyaa”, ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo hore si weyn u diidaa inuu Xasan Sheekh soo laabto.

Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada Muqdisho inay taageero u diraan dadka abaartu ku dhufatay ee Puntland, isagoo sheegay in Muqdisho ay lacag badan taallo, wuxuuna caddeeyay in hore dadka Muqdisho ay ugu gurmadeen duufaantii Sunami, laakiin xilligan ay xaaladu ka darran tahay.

Faroole ayaa sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Nairobi, kadibna uu Muqdisho tegayo, isagoo ka qeyb galaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.