MAQAAL: Saddexdii Oday ee Reer BERBERA iyo Sheekadii Dhex martay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Maqaal (Horumar.com) Waayadii uu isticmaarku dalka haystay ama uu ka talinaayayba ayaa waxaa magaalada xeebeeda berbera ku yaalay misaajid yar.

kaas oo markuu adimaayo ama uu dadka ugu yeedhaayo salaada, laga soo maqli jiray darafyada magaalada.

Waxaana misaajidkan ka adimi jiray, nin oday ah oo aad u da’a weynaa.

Kadib waxaa guri misaajidka u dhawaa degenaa laba oday oo ahaa shaqaalihii sar sare ee la shaqayn jiray gumeystihii ingiriiska.

Kuwaasoo aaminsanaana diinta kiristanka oo ahaa markaa rag aan haysan diinta islaamka.

Kadib labadii oday aad ayay u necbaayeen odaygan misaajidka dadka salaada ugaga baaqaya.

Sababtoo ah waxa uu markasta oo ay gurigooda nasasho u yimaadaan ay maqli jireen codkiisa dheer.

Badanaana waxa ay ka kici jireen hurdada gaar ahaan salaada casar iyo salaada subax oo ah labada wakhti ee ay hurdadu ugu macaan tahay.

Taas oo ay diinteena islaamkuna ay inoogu sheegtay ajar iyo xasanaad aad u farabadan in uu helaayo qofka wakhtiyadaa ilaaliyaa.

Kadib labadii oday waxa ay u yimaadeen ninkii odayga ahaa ee misaajidka ka adimi jiray.

Waxa ayna ka codsadeen inuu mikirifoonka ama codka hoos uga dhigo, odaygii arinkii waa uu diiday oo ganafka ayuu ku dhuftay.

Markii uu codsigaa hore ka diiday ayay hadana mid kale ka codsadeen oo ah inuu labada salaadood ee kala ah salaada casar iyo salaada subax oo keli ah.
Inuu hoos uga dhigo iyagoo u soo ban dhigay in ay macal maal siinayaan odayga hadii uu sidaa falo.

Qoraa Ibraahim Dhuxul/Photo: Horumar.com

Balse odaygii waa uu diiday arinkaas inuu ka qabalo. Kadib labadii oday midka mid ah ayaa kii kale ku yidhi “waar inaga mari walaahi ninkaas waxa ka qayli siinayaa inaanu waxa dhayal dhayal ah ahayne” Macnaa waxa uu uga jeedaa ninkani xaq ayuu ku taagan yahaye.

Sheekadani waxay ku tusinaysaa inaanadka aqbalin hadii lagu yidhaahdo diintaada waxkamida ah ka baydh ama ka tag.

Sheekada waxaa iiga sheekeeyay oday la odhan jiray ibraahim oo ku nool gobolka togdheer hilaad iminku ku beegnay ilaa dhowr sanood ka hor odaygaas oo aanu marna wada baxnay safar cibaado ‘khuruuj’

Rabbi ayaa mahad iska leh.

Qoraa Ibraahim Dhuxul
Dribraahimm@gmail.com

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close