DEG DEG: Codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhow bilaabatay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Waxaa goor dhaweyd Xarunta Golaha Shacabka Somaliyed ka bilaabatay Codeynta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaaka Somaliya oo ay u taagan yihiin afar Musharax.

Guddoomiyaha KMG ee Baarlamanka dalka Cismaan Cilmi Boqore iyo C/raxmaan Ducaale Bayleh ayaa bilaabay codeyntii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Xildhibaanada saxiixay Buuga Isxaadirinta Golaha Shacabka waa Xildhibaano gaaraya 256 Xildhibaan, taasi oo macnaheeda ay tahay in Xildhibaanada codeynaya ay tiradaasi yihiin.

AKHRI WARARKA KALE MAANTA OO XIISO LEH

Sida Guddiga Doorashada ay shaaciyeen Doorashada ayaa noqonaysa saddex Wareeg, iyadoo Wareega ugu dambeeya lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa iminka si toos ah u codeynaya.

Kala soco Horumar.com wixii ku soo kordha Doorashada insha allaha.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Close