DEG DEG: Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo goor dhow ka bilaabanaysa Golaha Shacabka

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Goor dhow ayaa lagu wadaa in xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ay ka bilaabato Doorashada Guddoomiye Ku xigeenada Golaha Shacabka ee dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa intooda badan ku sii xaadiray xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobta doorashada ay ka dhaceyso.

Doorashada maanta ayaa leh xiiso gaar ah, maadaama Faarax Sheekh C/qaadir oo Madaxweynaha la saaxiib ah uu ka mid yahay Musharaxiinta u tartamaayo xilka Madaxtinimada Somaliya.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa kala ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Sidoo kale isla maanta waxaa dhaceysa Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka, waxaana Musharaxiinta u tartamaya xilkaan ay kala yihiin.

Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi

Mahad Cabdalla Cawad,

AKHRI WARARKA KALE MAANTA OO XIISO LEH

Burhaan Aden Cumar,

Cabdulahi Xusen Cali,

Cabdiweli Maxamed Qanyare,

Xuseen Cabdi Cilmi,

Cabdulahi Godax Barre,

ilmi Maxamed Nuur,

Cabdiraxmaan Aden Ibarhim

Maryan Axmed Harun.

Xafiiska Horumal Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Close