UPDATE: Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay

UPDATE: Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay

Muqdisho (Horumar Online) – Doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad, ayaa goor dhaw waxa ay si rasmi ah uga bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo doorashada labada Guddoomiye waa midka koowaad iyo midka labaadba ay si toos ah u socoto.

Cismaan Cilmi Boqore oo ah Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka dalka, ayaa codka ugu horeeya dhiibtay, waxaana xigay C/raxmaan Ducaale Bayleh oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaaka dalka.

Labo Sanduuq oo taala Madasha Doorashada ayaa waxaa loogu kala codeynaya Musharaxiinta u kala tartamaysa xilalka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad iyo Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka labaad.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ayaa waxaa u tartamaya:

Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir

Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar

Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye

Xildhibaan  Khalid Macow Cabdiqadir

Xihibaan Saciid Xuseen Ciid

Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka:

Sidoo kale, haddii waqtiga uu saamaxo, waxaa lagu wadaa in maanta la doorto guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka

Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi

Mahad Cabdalla Cawad,

Burhaan Aden Cumar,

Cabdulahi Xusen Cali,

Cabdiweli Maxamed Qanyare,

Xuseen Cabdi Cilmi,

Cabdulahi Godax Barre,

ilmi Maxamed Nuur,

Cabdiraxmaan Aden Ibarhim

Maryan Axmed Harun.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.