UPDATE: Jarmalka oo go’aamiyay in bisha 3-aad laga billaabo la musaafurin doono dadka faraha ku leh dalalka ay ka jirto Dublin.

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jarmalka, Thomas de Maiziere mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa soo bandhigay qorshe lagu howl-galayo bisha saddexaad ee Sanadkan cusub 2017-ka.

Mr. Thoms de Maiziere, ayaa qorshahaasi ku sheegay in dhammaan qaxootiga soo mara waddanka Gariiga farana looga soo qaado, hadda kaddib dib loogu celiyo, maadaama ay sharci tahay.

Dalka Gariiga ayaa muddo dhowr sano laga joogo aan wax faro ah Dublin lagu celin jirin, taasi oo uu dalka Jarmalka xilligaasu u horseeday in laga joojiyo dadka lagu celinayo dalkaasi, maadaama dhaqaale xumo ba’an ay ka jirto ilaa iyo iminkaba.

Sharciga Dublin ayaa ah mid culeykeeda leh, oo ay aad uga nasteen qaxootiga isu kala goosha dalalka midowga Yurub, taasi oo dadka intooda badan door-bideen in ay helaan shaci dhaama dalalka noloshooda adag tahay ee qaaradda.

Arrimahaani ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato dhammaan dalalka ay ku shaqeeyaan faraha Dublin oo iyagu intooda badan celiya dadka faraha leh, waxaana ka mid ah, dalalka Norway, Filand, Denmark, Sweden iyo Holland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkani Jarmalka, ayaa sheegtay in Dublin II, iyo Dublin III in howshoodu billaabmi doonto marka la gaaro 15-ka bisha Maarso, ee sanadkan 2017-ka.

Waxaa soo turjumay – Weriye Abdifatah Adde

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close