JARMALKA: Qoysaska Dadkii ku dhintay weerarkii Berlin oo codsaday in la siiyo ‘Magdhaw’ malaayiin ah +XASAASI

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Wargeyska der Tagespiegel, ee ka soo baxa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, oo la hadlay qareen ama Looyar ay qabsadeen qoysaskii dadkoodii ku dhintay weerarkii ka dhacay suuqa Kirismaska ee Berlin.

Weerarkaasi oo dhacay sanadkii la soo dhaafay ee 2016-ka, ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, halka 49 kalena ay ku dhaawacmeen.

Andreas Schulz oo ah Looyarka ay qabsadeen dadkaasi dhibanayaasha ah, ayaa sheegay in qoysaskii dadkoodii ku waxyeeloobay weerarkaasi ay doonayaan in la siiyo magdhow.

”Aniga waxaan u doodayaa in magdhow la siiyo qoysaskaasi, maadaama ay ku dacwoonayaan in ammaankoodii ay dowladda Jarmalku dayacday” ayuu yiri qareen Andreas Schulz oo la hadlayay wareygska der Tagespiegel.

Andreas Schulz ayaa codsi xor ah u gudbiyay magaalooyinka kala duwan ee dalka Jarmalka, iyo waliba dowladda federaalka ah.

Wuxuuna ka codsaday in weerarka laga sii digtoonaa iyo in kale, waana qodobka uu u cuskaday dacwadiisa ee qoysaska dhibanayaasha ah ay soo gudbisteen.

Looyarka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii war-gelisay sir-doonka Yurub weerarrada noocani oo kala ah inay dhici karaan maalmaha Kirismaska, balse wuxuu yiri qareenku ”waa la iska indha tiray”.

Andreas Schulz ayaa ku eedeeyay dowladda Jarmalka, in haddii ay dhigi lahaayeen shubka lagu xiro waddooyinka xilliyada heeganka lagu jiro, ay taasi yareyn laheyd khasaaraha goobta ka dhashay.

”Maxaa weerarka kaddib loogu xiray waddooyinka Shubka, oo markii hore loogu xiri waayay si looga gaashaanto weerarrada” ayuu sidoo kale yiri Mr. Schulz.

Ugu dambeyn, weerarkii ka dhacay suuqa Kirismaska ee Berlin, ayaa kiciyay duufaano siyaasadeed oo la xiriira dhinaca ammaanka guud ahaan dalka Jarmalka, balse ninkii Tunuusiyaanka ahaa ee weerarka geystay uu goobta ka baxsaday, kana gudbay xudduudaha saddex dal oo Yurub ah, isagoo markii dambe booliska Talyaaniga ay magaalada Milano ku toogteen markii uu askari ku weeraray halkaasi.

Waxaa soo turjumay – Weriye Abdifatah Hassan Adde

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronlie@gmail.com

 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close