Home CIYAARAHA UPDATE: Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka ‘Angel Merkel’ oo maanta booqasho ku tagtay dalka...

UPDATE: Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka ‘Angel Merkel’ oo maanta booqasho ku tagtay dalka Turkiga +(UJEEDKA)

SHARE

Turkey (Horumar Online) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Jarmalka, Mrs Angel Merkel ayaa Khamiistii maanta booqasho ku tagtay dalka Turkiga, iyadoona halkaasi kula kulantay Madaxweeynaha dalkaasi Mudane Rajip Tayip Ertogan.

Booqashada Angel Merkel ayaa noqonaysa tii ugu horreeysay ee ku tagto dalka Turkiga, tan iyo markii dalkaasi Turkiga uu ka dhacay afgambigii dhicisoobay 15 kii bishii July sanadkii 2016-kii.

Ajandayaalka ugu horreya ee Angel Merkel iyo Ertogan ay ka wada hadlayaan ayaa noqonaya sidii loo joogtayn lahaa iskaashiga dhinaca dadka soo galootiga ah ee soo mara waddanka Turkiga.

Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ay horey uga wada hadleen, sidii Turkiga uu u joojin lahaa dadkaasi, taasi beddelkeeda Turkigana la siiyo taageero dhinaca dhaqaalaha iyo in uu Turkiga ka mid noqdo dalalka xubnaha ka ah Midowha Yurub.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay dalka Turkiga Lix Bilyan oo Yeero, si ay ugu hayaan dadka soo galootiga ah gudaha dalka Turkiga oo aanay u soo gudbin dadkaasi Qaaradda Yurub.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE