XOG CULUS: Cabdiweli Gaas oo uga baxay heshiiskii Sheekh Shariif & dagaal siyaasadeedna ku billaabay Farmaajo!

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalaiya ayaa waxaa ka socda ololihii iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo saacad walba ay wax is-bedelayaan, islamarkaana ay abuurmayaan isbaheysiyo cusub.

Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay waxaa heshiis is-baheysi galay Puntland iyo Shariif Sheekh Axmed xalay, ayada oo Cabdi Weli Gaas uu isku soo dhoweeyey Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid.

Si kastaba, waxaa iminka soo baxaya in Gaas uu ka booday heshiiskaas, isaga oo ka carreysan ballan-qaad la sheegay in Shariifka uu u sameeyey Farmaajo oo ah inuu siin doono ra’iisul wasaare, haddii loo doorto madaxweynaha cusub.

Ilo-wareedyo ku dhow Gaas, ayaa Horumar.com u sheegay in Gaas uu dareemay in Shariifka uu doonayo inuu hal dhagax laba shimbir ku dilo, islamarkaana uusan isku haleyn karin, taasi oo ku qasabtay inuu heshiiska uga baxo.

Cabdi Weli Gaas ayaa lagu warramayaa inuu isku dayayo inuu xaqiijiyo in Puntland ay hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha midkood.

Dadaalladiisa ayaa waxaa ka mid ah in Farmaajo uusan soo dhaafin wareegga koowaad, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay taasi dhalin karto inuu helo awood uu ku gorgortamo, kadibna sidaas uu xilka ra’iisul wasaare ku dhaafiyo beesha Majeerteen.

Gaas ayaa hadda taageeraya Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee wuxuu doonayaa in codka xildhibaanada Puntland uu kula gorgortamo xilka ra’iisul wasaaraha, haddii Sharmaarke uusan meel wanaagsan gaarin.

Xog kale ayaa iyana sheegeysa in haddii Gaas uu dareemo in is-baheysiga Shariifka iyo Farmaajo uu xoog leeyahay, ay dhici karto inuu deg deg heshiis ula gaaro madaxweyne Xasan Sheekh, isaga kula heshiinaya in xilka ra’iisul wasaaraha la siiyo Puntland.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close