Home WARARKA MAANTA Golaha Ammaanka oo fariin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Mudane Farmaajo

Golaha Ammaanka oo fariin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Mudane Farmaajo

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Kulan ay isugu yimaadeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhanka kalena amaanay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Golahu waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan isbedalka cusub ee Somaliya iyo hannaanka xasiloon ee loo maray siyaasadda Somaliya oo marxalad cusub gashay.

Waxay sheegeen in Golahu mar walbo uu ilaalinayo madax bannaanida Somaliya, xuduudaheeda iyo midnimada dalka.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa ammaanay doorka haweenka laga siiyey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in si wanaagsan loo qiimeeyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha ammaanka ayaa sidoo  kale lagu bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo inuu la yimaado hannaan shaqo oo shacabka Somaliyed ku qanci karaan, sidoo kalena lagu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Golaha ammaanka ayaa qayb ka ah dhambaalo fariimo kala duwan loogu diraayay Madaxweynaha cusub ee Somaliya tan iyo markii la doortay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE