Washington: Muxuu ku saabsan yahay Kulanka dhexmari doona Angela Merkel iyo Donald Trump?

Filed under: WARARKA JARMALKA,WARARKA MAANTA |

Washington (Horumar Online) – Hogaamiyaha dalka Jermalka Angela Merkel ayaa kulan Washington kula yeelan doonta madaxweyne Donald Trump, waxyaabaha u waawayn ee ay ka wada hadli doonaanna waxaa ka mid ah hindisaha ganacsi ee Yurub iyo Maraykanka ee transatlantic trade loo yaqaano iyo gaashaan buurta Nato.

Trump ayaa Jermalka ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan difaaca wuxuuna ugu goodiyay in Maraykanku uu kharashaadka ku kordhin doono shirkadahooda gawaaarida sameeya.

Merkel waxaa kulankaas ku wehelin doona madaxda sarsare ee shirkadaha Jermalka ee kala ah Siemens, Schaeffer iyo shirkadda gawaarida ku caan baxday ee BMW.

Booqashadeeda waxaa la sii qorsheeyay in ay dhacdo Talaadadii laakiin waxaa loo baajiyay baraf dabaylo watay.

Kulanka Jimcaha ka hor Merkel waxay wargeys Jermalka ka soo baxa u sheegtay in ay danaynayso kulanka koobaad ee ay la yeelanayso madaxweyne Trump.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close