WAR FARXAD LEH: ROOB lagu diirsaday oo maanta ka da’ay magaalada Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Waxaa maanta Caasimadda Muqdisho ka da’ay roob dadka ay ku dareemeen naxariista eebe, xilli muddooyinkii dambe ay jirtay xaalad adag oo dhanka roob la’aanta ah.

Dadka Magaalada ku nool, ayaa xalay dareemay kuleyl, maadaama cirka uu ahaa mid daruur badan, balse saaka markii laga baxay Salaada Subax ayaa Magaalada waxaa ka da’ay roob dadka ay ku qabowsadeen.

Muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya, dadka waxa ay tukanayeen salaad roob doon ah oo ALLAH ay ku weydiisanayeen nimcadiisa.

Sidoo kale shalay iyo habeen hore qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya waxaa ka da’ay roob dadka ay ku dareemeen Naxariista Eebe.

Abaarta ka jirta dalka Somaliya ayaa sabab u noqotay xilligii la filaayay roobka oo dib u dhac uu ku yimid, iyadoo taasi saameyn xoogan ay ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Gobolada dalka.

Roobka saaka ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaanan aheyn mid badan oo biyo dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho, balse dadka waxa ay dareemeen qaboow.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close