Home CIYAARAHA DHAGEYSO: Maxaad kala socotaa in maamulka Koonfur Galbeed uu magacaabanayo Ra’iisul wasaare,...

DHAGEYSO: Maxaad kala socotaa in maamulka Koonfur Galbeed uu magacaabanayo Ra’iisul wasaare, Maxa cusub?

SHARE

Baydhabo (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo la xiriira maamulkiisa, kadib markii uu ka qeybgalay barnaamij loogu magac daray (Todobaadka dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda) kaasoo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira Maamulkiisa iyo sidoo kale waxa ka jira in uu isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Shariifka in qorshahaas la doonayo in lagu dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh, wuxuuna xusay in Koonfur Galbeed uu u soo magacabayo Ra’iisul Wasaare, si Wasiirada uu ugu fududeeyo Holohoodo gaarka ee ay u baahan yihiin.

Shariif Xasan, ayaa sidoo kale sheegay in Talaabada uu ku magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha in uu ku dhaqaaqi doono marka la ansaxiyo Golaha Wasiirada cusub.

Geesta kale, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Baarlamaanka Federaalka waxa uu ugu baaqay in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub, si dalka uu horey ugu socdo.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Talaadadii ina dhaaftay waxa uu magacaabay Golihisa Wasiirada cusub oo ka kooban 68 xubnood, iyadoona weli aan la horgeyn xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Waxaana jira caqabado waa weyn weli hortaagan.

HOOS KA DHAGEYSO BAAQA SHARIIF XASAN:

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE