MAQAAL – GURIGII BOQORKA! By – Qoraa ibraahim Dhuxul

Filed under: MAQAALLO,WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

MAQAAL (Horumar Online) – Inta badan midabka Guriga Boqorku waa caddaan, Mana laha ilaalo ay indhahaagu qabanayaan, balse waxa uu leeyahay ilaalo qarsoon, Gelitaanka guriga Boqorku wuxuu ku xidhan yahay. inaad isaga u rumaysan tahay si dhab ah iyo inaad tahay Qof Nadiif ah.

Ma laha wakhti gaar ah la kulanka Boqorku, balse waxaad la kulmi kartaa wakhti kasta oo aad soo gasho Gurigiisa, Waxaa jira shan kulan oo muhiim ah.

ku waasoo maalin kasta lala yeesho boqorka, Inkastoo ay jiraan kulamo gaar-gaar ah oo lala yeesho Boqorku, haddana waxa ka muhiimsan kuwa uu isagu jideeyay samayntooda.

Markii aan soo galay guriga Boqorka waxaa ay indhahaygu qabteen, dad aan badnayn, Ku waas oo uu qofba meel fadhiyay. Una badnaa waayeel maaxu cadaaday iyo goxoshaa uu dhabarku soo Gotay.

waa runtaa! Oo markiiba waxa aad is weydiinaysaa meeyee jiilkii curdinka ahaa, iyo dhalintii cusbayd ee umaddan u kacaantay,
Boqorku waxa uu leeyahay awood uu wax kasta ku samayn karo.

balse wuxuu caddeeyay inaanu marnaba dulmiyay ciddii uu isagu Abuuray, inkastoo aanay ciddiba waxka weydiinayn hadana waxuu ugu talo galay inay dadka u noqoto Tusaale ah, in aanu Boqorkoodu jeclayn dulmiga iyo inay kamid tahay dhaqamada suubban ee uu leeyahay Boqorku.

Dabeecadaha Boqorka waxaa ka mid ah, inuu iska cafiyo ciddkasta oo isaga u soo noqota xagiisa. Waayo! waxaa jira noole uu isagu abuuray, oo halkii uu ku abuuray noolihii kale ee uu kula abuuray u sheegtay inay yihiin Boqoradii dhabta ah.

Qoraal Ibraahim Dhuxul / Photo: Horumar.com

kaasina waa mid ka mid ah, danbiyada ugu xun ee laga galo Boqorka agtiisa siduu isagu inoo sheegay, Balse haddana waxa uu balan qaaday inuu iska cafin doono cidkasta oo isaga uu soo noqota xagiisa, Waayo! ka xun iyo ka wanaagsaniba waa qaybka mid ah hantidiisa.

Waxaan weligeed dhicin taas oo aan dhicina doonin, waa inaanay boqorka cidi dhalin, Ciddna aanay la dhalan, Isaguna aanu caruur dhalin, weligii Boqorku ma arag Boqor kale oo lamida oo waa keligii.

Tolow waa kuma boqorkaasi.? Bal is weydii fadlan.!

W/Q: Qoraa Ibraahim Dhuxul, dribraahimm@gmail.com

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close