Home WARARKA CAALAMKA XOG XASAASI AH: Guddoomiye Jawaari: ”Waagii hore Awooda waxaa la isaga dhacsan...

XOG XASAASI AH: Guddoomiye Jawaari: ”Waagii hore Awooda waxaa la isaga dhacsan jiray xoog”!

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si dadban, misena xamaasadeysan uga jawaabay eedeymaha ah, in uu hormuud u yahay caqabadda maalmihii la soo dhaafay hareereysay Golaha Wasiirada ee magacaaban.

Gudoomiyaha, ayaa tilmaamay in hal qabsiga Golaha Shacabka uu yahay codka shacabka, isla-markaana aanay ka laba labeen doonin rabitaanka bulshada Somaliyeed.

”Golaha Shacabka hal qabsigeenu waxaa weeye waa codka shacbiga. Ka beeri mayno, kana cabsan mayno waxa shacbigeenu uu qabo inaan ku dhawaaqno, meeshana aan ka sheegno.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Ammaano weeyaan, Allaa na weydiinaya, shacbigaa na weydiinaya, ayaamo ayaan joognaa. Walaahi Bilaahi Talaahi, hamiga shacbigu uu qabo ama dantiisa aan laga ganbanin, lagana haybaysanin qofna, xaqa laga raaco, waa naga go’an tahay.”

Isagoo ka hadlaayay mushkiladda ka taagan hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, ayaa wuxuu yiri “4.5 mashaakilkan iyo waxaan hadda la sheeg sheegayo ka bixideeda, nidaam baala sameeyay. Waagii hore awooda waxaa la isaga dhacsan jiray xoog ama fallaar, toorey, xabad iyo waxyaalo kale. Nidaam baa la keenay oo la yiraahdo dimoqraaddi.”

”Dimoqraaddi micnaheedu maxay tahay? Dad baa dhahaayo dimoqraaddi waa wax xun, haddii afka qalaad lagu fasiro. Waala Soomaaliyayn karaa. Dimoqraaddi waxaa weeyaan Talinta Metelaadda Dadweynaha.” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE