Home CIYAARAHA DAAWO VIDEO: Maxaa ka jira in dowladda Ingiriiska ay maamulka Somaliland u...

DAAWO VIDEO: Maxaa ka jira in dowladda Ingiriiska ay maamulka Somaliland u aqoonsatay dal gaar ah oo ka madax-banaan Soomaaliya!

SHARE

London (Horumar Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa dhawaan marti gelin doonta shir-weyne looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, laakiin waxaan shirkaas ka qeyb gali doonin maamulka Somaliland.

Dowladda Ingiriiska ayaanan maamulka Somaliland ku casuumin shirka, ururka Rajo ayaana sheegay in cabsida ay ka qabaan shirkaas ay tahay in Ingiriiska ay doonayaan in Somaliland ay u aqoonsadaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

”Ma cada sababta ka dambeysa in maamulka Somaliland aan lagu casuumin shirkaas si lamid ah maamulada kale, waxaana halkaas uga baqeynaa iney jirto qorshe kale oo halis gelinaya midnimada Soomaaliya” ayu yiri madaxa Dalada Wadahadala ee Rajo Dr Cabdi Casiis Takar.

Si kastaha ha’ahaatee, arintan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Somaliland ay daddaal ugu jirto in gooni ay ka noqoto Soomaaliya inteeda kale, walow taasi ay beesha caalamka ay horey uga diideen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:



Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

SHARE