Home Dhacdooyinka TOP – DAAWO WAREYSI: Michael Keating ”Somaliland wali caalamku wuxuu u aqoonsan...

TOP – DAAWO WAREYSI: Michael Keating ”Somaliland wali caalamku wuxuu u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Somaliya”

SHARE

Hargeysa (Horumar Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa isaga oo u sugan magaalada Hargeysa oo dhawaan uu booqasho ku tagay ka hadlay aragtida uu ka qabo gooni isku taaga maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay danjire Keating in beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika wali u arkaan maamulka Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

”Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada maamulka Somaliland, beesha caalamka um aqoonsana dal madax banaan,waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”. ayuu yiri Michael Keating.

”Ma aha in ay waayi doonto deeqaha iyo adeegyada horumarka,laakin ilama aha cida shirka qabaneysa in ay marti-qaadayso maamulka Somaliland”. ayuu yiri Keating.

Waa markii ugu horeysay oo wakiilka gaar ah ee QM Soomaaliya sheegayo in wali maamulka Somaliland caalamku u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah jahmuuriyada Soomaaliya, inkastoo dhinaca kale mas’uuliyiinta maamulkaas ku doodayaan in kol hore isaga go’een Soomaaliya inteeda kale.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

SHARE