DAAWO VIDEO: 4 Gabdhood oo loo Xiray inay ku labisteen Calanka Sooomaaliya oo Xaalad Adag ku sugan & Waalidkooda oo

Filed under: CIYAARAHA,Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Hargeysa (Horumar Online) – Waxaa laga Dayrinayaa Xaalada ay ku jiraan Afar Gabdhood oo Da’yar islamarkaana Hargeisa loogu xidhay inay ku Labisteen DIRAC BULUUG AH Kaasi oo u eg Calanka Soomaaliya.

Qareenka u doodaya Habalaha ayaa sheegay inay Maxkamadu Fasaxday Markii Wax danbi ah lagu waayey, Balse waxaa Arintaasi Racfaanka ka qaatay Xeer Ilaalinta soo eedaysay, Iyadoona Weli ay ku Jiraan Xabsiga.

Waalidiinta Dhalay Gabdhahan ayaa sheegay inay Caruurtoodu Wax siyaasad ah waxba kala socon, Sidoo kalana Diraca ay ku xidheen uu yahay Maro lagu sameeyay Dalka Shiinaha, oo aan Wax siyaasad ah Shaqo ku lahayn.

Looyarka difaacayey afartan hablood ayaa sheegay in hablahan yar yar yihiin,isla markaana siyaasad waxba ka aqoon, balse ay iska xidhnaayeen duruuc buluug ah, waxaanu sheegay in cadaymihii ay hor dhigeen maxkamadda iyo eedihii xeer ilaalinta markii maxkamaddu aragtay ay xoriyadoodii u fasaxday hablaha, haseyeeshee ay wali u xidhan yihiin xafiiska xeer ilaalinta gobolka oo iyagu hablahan soo eedeeyey.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close