WAR CUSUB: Xildhibaan Xidig oo Kashifay in awooda Baarlamaanka Somaliya aysan dhaafsiisneyn Muqdisho! + SABAB!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa dhaliil kala duwan ujeediyay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya.

Xidig oo utartamay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka ka jira uu xiligan yahay mid aaney awoodiisa muuqan, isla mar ahaantaasina aaney tagi karin deegaano ka mid ah Gobolada dalka Somaliya.

Xidig oo Xukuumadii hore ka soo noqday Wasiiru dowlihii Arimaha gudaha Somaliya ayaa ku sifeeyay Baarlamaanka dalka uu leeyahay mid aaney wax badan uga duwaneyn kan Dowlad Goboleedyada.

Xidig ayaa sheegay in Baarlamaanka hada jira uu yahay midka Gobolka Banaadir dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajana ay tahay dowladda Gobolkan Banaadir maadaama shaqadooda xoogeedii ay isugu soo koobeen oo kaliya arimaha Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka awoodiisa xagee gaarsiisan tahay? Afgooye ma gaarto Balcadna ma gaarto, Gobolkaan Banaadir oo caasimadda ah oo aan deganahay dadka jooga kaliya ayaa dhibaato ku haynaa, awaamiirta iyaga ayeey ku fushaa, wax kastana iyagaa lagu dul qabtaa, aniga waxaan soo jeedinayaa Gudoomiye, hadii Baarlamaankaan uu yahay midka Federalka Somaliya, dowladda ay tahay tii Federalka Somaliya in la keeno  Barnaamijyo cad cad oo wax looga qabanaayo dalka, maalin kasta Dakad baa sidan la yeelay iyo xaafad baa sidan la yeelay laguma jiri karee.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Nidaamka Federaalka ee dalku qaatay iyo hanaanka ay u shaqeeyaan Maamul goboleedyada dalka ka jira ayuu sheegay inaysan isla jaanqaadi karin xilligan maadaama cid kasta ay si gooni ah u shaqeysaneyso.

Maamul Goboleedyada qaar ee dalka ka jira ayaa isku haysta inay u madax banaan yihiin dhamaan arimahooda iyagoona heshiisyo gaar ah la gala dowladdaha caalamka taas oo aysan ka warqabin dowladda Dhexe.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close