XOG XASAASI AH: Imaaraadka oo Madaxweyne Farmaajo hordhigay labo qodob iyo Farmaajo oo kasoo horjeestay (AKHRI SABABTA!)

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Abu Dhabi (Horumar Online) – Waxaa magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka ku sugan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan khaasa la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaana la xaqiijiyay in shirkooda uu yahay mid khuseeya xadgudubyada ay Imaaraadka ku heyso Somalia.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ayaa kawada hadlay Heshiiska ay la galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Mudane Farmaajo waxa uu Imaaraadka ka dalbaday inay joojiyaan Heshiisyada lala baalmaraayo dowlada Somalia, sida Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Berbera.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiday in lasii ambaqaado Heshiiska waxa uuna Imaaraadka ka dalbaday inay dib usoo bilaabaan Heshiiska isla markaana lala galo DFS.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka hor imaaday laba qodob oo kala ah:

1-In dib loo soo bilaabo Heshiiska Saldhiga magaalada Berbera, maadaama uu soo dhamaaday.

2-In Shirkada ka howlgali doonta Dekadda Berbera la hoos geeyo Wasaarada Dekadaha Somalia, mudada ay ku howlan tahay dhisida Dekadda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka biya diidan in Heshiiska Imaaraadka la gashay Somaliland iyo Puntland lasii wado, halka Imaaraadkuna ay dalbaneyso in laga fiirsado Heshiisyada soo socda maadaama kuwaani ay yihiin kuwo dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa kasoo bixi doona shirka, inkastoo Dowlada Imaaraadka ay isku howleyso in Dowladda Soomaaliya ay ku qanciso Maskax.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

One Response to XOG XASAASI AH: Imaaraadka oo Madaxweyne Farmaajo hordhigay labo qodob iyo Farmaajo oo kasoo horjeestay (AKHRI SABABTA!)

  1. ASC.
    Soomaaaliyeey ku talo gala in soomaaliya ay kala qeybsadeen dhawr wadan.
    Waa nasiib daro in a haweeystaan soomaaliya dawlado an horay rajo uga qaban in ay faro galiyaan midnimada soomaaaliweeyn.Sababahaasna waxaa keenay maamulkii xumaa ee M.S.Bare iyo beesha Hawiye oo DAB QABADSIISAY SOOMAALIYA IYO SOOMAALIBA.Walina dad ka mida beesha hawiye baa diidan in la soo nabad celiyo qarankii soomaaiweeyn ee ay faro xumeeyeen.Waana kuwaas had iyo jeer saxuuqaya shacabka soomaaliyeed ee an isdifaaci Karin.Ujeedadooduna waa in uu sii dabo dheeraato dawlad la’anta soomaaliya soo haysay 26 sano ee la soo dhaafay.

    Atoore
    April 12, 2017 at 12:24 am

Close