DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo ka hadlay Shabaabkii Hoobiyaha tuurayay ee Muqdisho lagu dilay & Qaabka dilkooda u dhacay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa goor-dhow ka hadlay labada nin ee ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, ee duhurnimadii maanta lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Raggan iyo nin kale oo la socday, ayaa madaafiic ka tuuray Degmada Wadajir, waxaana ku soo baxay ciidamada ammaanka, oo ku guuleystay in ay dilaan labadan nin, iyadoo mid kalana la sheegay in uu baxsaday.

Ciidamada ammaanka, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaarigii madaafiicda laga tuuray, inkastoo uu gaariga mar dambe qarxay, xilli la sheegay in horey loo soo saaray walxaha qarxa.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray halka uu hawlgalku ka dhacay, ayaa bogaadiyay tallaabada ay ciidamada ammaanku ku dileen xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay shacabka oo uu ku ammaanay in xogta raggaasi ay la soo wadaageen hay’adaha amniga.

Wasiirka, ayaa dhanka kale sheegay in labada nin ee la dilay ay Shabaabku u qaabilsanaayen inay madaafiicda ka tuuraan Degmada Wadajir, isagoo intaa ku daray in lagu daba joogay.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamada ammaanka ay Magaalada Muqdisho ku dhex toogtaan xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli ay madaafiic ku garaaceen qaybo ka mid ah magaalada.

HOOS KA DHAGEYSO SHIR JARAA’ID IYO SIDA LOO DILAY RAGGAN:

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close