DAAWO SAWIRRO: Muqdisho FC oo wada horumarinta dhallinayarada Soomaalida ee dalka Canada +(Exclusive)

Filed under: CIYAARAHA,WARARKA MAANTA |

Toronto (Horumar Online) – Maamulka kooxda Muqdisho Football Club (MFC) ee magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa ku guda jira qabashada tartammada xagaaga ee sanadkan.

Madaxa, ahna aasaasaha naadiga Muqdisho FC Cabdifataax Xasan Axmed (Sette) oo wareysi gaar ah siiyay horumar.com ayaa sheegay in ay tartamo dhinaca cayaaraha u qaban doonaan ciyaartoyda 6-18 jirrada Soomaalida ku nool gobolka Ontario ee dalka Canada.

Cabdifataax Sette ayaa xusay in tababarro joogta ah oo garoomada gudaha iyo dibadda ah oo dhinaca cayaaraha iyo anshaxa ay sanadka oo dhan siiyaan dhallinayarada iyo carruurta Soomaalida ku nool gobolka Ontario, isagoo xusay in sidoo kale sanad walba ay qabtaan dhowr tartan ciyaareed.

Aasaasaha naadiga Muqdisho FC Cabdifataax Xasan Axmed ayaa tilmaamay in bishii March ee sanadkan ay qabteen tartammada loo yaqaan March break oo ah xilliga ay carruurta ka nastaan dugsiyada, tartaankaasoo ay ka qeyb galeen kooxo kala duwan.

Cabdifataax ayaa carabaabay in tababarrada dhinaca cayaaraha iyo anshaxa ee ay siiyaan dhallinayarrada ay ka caawineyso inay ka fogaadaan isticmaalka daroogada iyo dambiyada.

Kooxda ayaa qaadatay magaca Muqdisho Football Club (MFC) bishii March ee sanadkii 2009-kii balse waxaa la aasaasay sanadkii 2005-tii.

By – Hussein Nur Haji

Xafiiska Horumar Online, Toronto-Canada
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close