DHAGEYSO +XASAASI: Maamulka Puntland oo si kulul uga ka hadlay Xiisada ka taagan Garoonka Magaalada Gaalkacayo

Filed under: CIYAARAHA,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Xasan Maxamed Khaliif ayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo is dhexgalka.

Gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale beeniyay in ay Xiisad ka taagan Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Khaliif ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in Warar been abuur ah aan laga baahin Bulshada.

Xasan Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay in ay wada shaqeeyaan oo ay is dhexgalaan shacabka labada dhinac.

Ugu dambeyn, wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago falalka amni darada ah ee mararka qaar dhaca.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA:

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close