DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka dhigan tahay Xasuuqii ay Real Madrid u geysatay Bayern Munich? & Caawa oo isku dhagan Barcelona iyo Juventus!

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Spain (Horumar Online) – Real Madrid ayaa xalay si layaab leh uga adkaatay kooxda Bayern Munich, kadib markii ay ku kulmeen ciyaar ka tirsaneed koobka Champions Leaque-ga.

Laacibka Ronaldo, ayaa si wanaagsan uga dhex muuqday ciyaarta, kadib markii saddex ka mid ah goolashii ay Real ku adkaatay uu isaga dhaliyay.

Ronaldo ayaa goolkiisa 100 aad  tartamada UEFA oo dhan dhaliyay kulankii Bayern Munich.

Ciyaartii xalay ayaa kusoo dhamaatay Real Madrid 4-2 Bayern Munich. 

Kooxda Real ayaa waxaa ay 4-ta gool ka kala heshay, Ronaldo oo 3 dhaliyay iyo Marco Asensio oo goolkii 4-aad u dhaliyay kooxda Madrid, halka labada gool ee kooxda Bayern Munich, mid ka mid ah uu ahaa gool uu iska dhaliyay Ramso, midka kalana waxaa kooxda u dhaliyay Lewdandoweski.

Kulankan ayaa ahaa mid uu si wayn u hareeyay muran kadib markii karka Roosaha la siiyay Arturo Vidal.

SHAXDII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID(4-3-3): Navas; Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco, Benzema, Ronaldo.
KAYDKA: James, Casilla, Kovacic, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Morata, Danilo.

BAYERN MUNICH (4-3-3): Neuer; Lahm, Hummels, Boateng, Alaba; Vidal, Alonso, Thiago; Robben, Lewandowski, Ribery.
KAYDKA:Douglas Costa, Rafinha, Bernat, Muller, Ulreich, Coman, Kimmich.

Geesta kale, kooxaha Barcelona vs Juventus, ayaa caawa wada ciyaari doono kulan xiisa badan oo ka tirsan horyaalka Yurub.

Kulankaan ayaa caawa waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Camp Nou.

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa semi-finalka Champions League 3-0 kusoo garaacday lugtii hore ee wareega 8da kooxda Barcelona kulankii ka dhacay Juventus Stadium.

Ugu dambeyn, Taariikh ahaan kooxda Barca ayaa 15 kulan oo isku xigta oo tartamada Yurub ah ku badiyay garoonkooda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

One Response to DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka dhigan tahay Xasuuqii ay Real Madrid u geysatay Bayern Munich? & Caawa oo isku dhagan Barcelona iyo Juventus!

  1.  Waxaa is weydiin mudan dadka soomaaliyeed maxay ka aaminsanyiihin ku dhaqanka qabiilka , waxaa nasiib daro ah in dadka gaar ka mid ah ay aaminsan yihiin qabiilku inuu yahay caqiido aan marna  la dhaafi Karin oo ay u isticmaalaan dano gaar ah,maxaa yeelay waxay isku arkaan inay ka sareeyaan  dadka aan ku heybta ahayn taasoo ah been ay naftoodda ka dhaadhiciyeen oo diinta islaamka aan ogoleyn “Koox ayeysan ku jeesjeesin  ama xaqirin koox kale maxaa yeelay waxay muddan yihiin  in ay ka khayr badan yihiin kuwa lagu jeesjeesayo ”, runtii ceeb ku ma jirto in qabiil loo arko tilman dad ama beel meel wada degan oo isku heyb ah ,sidaas darted qabiil waa isir iyo farac  Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asalkoodi hore u raad-raaca taaso ay isku gartaan  hase yeeshee ma haboona in loo isticmaalo qaab aan waafaqsaneyn diinta Islaamka ah.

    scryde.ru
    April 29, 2017 at 3:20 am

Close