DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Madaxweynaha Gobolada Dhexe?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Muqdisho u jooga wada hadalka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulanka.

Ujeedada kulanka ayaa wuxuu ahaa dar dargelinta wada hadalka dowladda ay gar wadeenka ka tahay ee la doonaayo inuu dhexmaro madaxda Ahlu Sunna Iyo Galmudug si looga gudbo waxyaabaha khilaafaadka ah ee ka dhex jira Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ka codsaday labada dhinac inay muujiyaan kalsooni ku aadan in wada hadalkaasi uu miro dhalo, sidoo kalena ay u turaan shacabka Galmudug ee u baahan nidaam maamul oo dhameystiran.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa dhankiisa ugu baaqay labada dhinac wada hadalkooda oo dhawaan bilaab doono inuu noqdo mid wanaagsan ah, islamarkaana la isku tanaasulo.

Galmudug iyo Puntland ayaa la filayaa inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, islamarkaana ay ka wada hadlaan wax waliba oo tabasho ah oo labada dhinac ay kala qabaan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close