DAAWO SAWIRRO: Maxay Xeebta Liido ku soo arkeen RW Kheyre iyo Duqa Muqdisho oo maanta halkaasi booqday?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Arbacadii maanta booqasho ku tagey Xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaayay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed.

Masuuliyiintan, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii xilligii damaashaadka u joogay Xeebta Liido. Ra’iisal Wasaaraha ayaa la arkaayay isagoo gacan-qaadaya dhalintii ku sugneyd Xeebta Liido.

Waa booqashadii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Ra’iisal Wasaare Khayre uu ku taggo Xeebto Liido, tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda.

Booqashadiisan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli maalmihii ugu dambeysay uu waday kormeero kedis ah, oo uu ku kormeerayay Xarumaha Wasaaradaha Xukuumadda.


Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close